1. Hordhac
Jig-jiga waxay kutaalaa bariga itoobiya ee gobolka faafan iyadoo ujirta magaalo madaxda adisababa fogaan dhan 628km dhinaca bari, waxayna xadka Somaliland ee magaalada wajaale ujirtaa 65km. juqraafi ahaan waxay dhacdaa 90 20” waqooyi & 420 47” bari, celcelis dhan 5400ft. waxay ka koobantahay 11 xaafadood oo hoos yimaada maamulka magaalada. Waana xarunta dawlada degaanka soomalida itoobiya.
2. Aas Aasid
Jig-jiga waxaa la aas aasay qarnigii 19aad taariikhda miilaadiga. Sida la ogsoonyahay dhamaadkii qarnigii 19aad xilligaas oo menilik uusamaeeyay dhul balaadhsigii uu ku qabsaday harar sanadkii 1887 dii ayaa ay suurto gashay in jigjiga oo ah xarunta dawlada degaanka soomalida itoobiya ay noqoto maamulka uu wakhtigaa gacanta ku qabtay menilik.
3. Marxalada Dadka
Sida ay sheegtay wakaalada tiro koobka dadka ee itoobiya, dadka kunool magaalada jig-jiga waxay dhan yihiin tiro ahaan 147, 482 kuwaasoo 78,650 kamid ah ay yihiin rag, in ta hadhay oo dhan 68,832 ay yihiin dumar. Iyadoo latixraacayo tiro koobkii 2007 dii ee dalka ayaa lasoo saaray tiradan, dadkana 60% ay yihiin da’da waxsoosaarka ah ee udhaxaysa 15-65.
4. Marxalada Kaabayaasha Dhaqaalaha
Kaabayaasha dhaqaaluhu waxay laf dhabar uyihiin horumarka uu wadanku hiigsanayo, kana turjumaa halka uu taaganyahay koriinka iyo kobaca isbadalka lahiigsanayo. Hadaba kaabayaasha dhaqaalaha ee horumarinta magaalooyinka waxaa kamid ah wadooyinka, laydhka, telefoonka, isgaadhsiinta, gaadiidka, biyaha silo dareemo marxalada uu deegaanku kusuganyahay dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.
4.1 Wadooyinka
Marka aan eegno marxalada waddoyinka magaalada jigjiga, magaaladu waxay leedahay wadooyin laami ah, kuwa dhagaxa qoran(coble stone), kuwa jay ah iyo kuwa layiraahdo wado dhuleed. Hadaba magaaladu waxay leedahay wadooyin laami ah oo dhan 15.4 km marka lagu daro wadada way nee labada haad ah, wadooyinka jayga oo dhan 40.572km (507150m2) wado dhuleed dhan 317.696 km (3971200m2) iyo wadooyinka dhagaxa qoran oo dhan 13.284 km. wadooyinka dadku maraan ee laamiga ah oo iyaguna dhan 15.892km(32653m2).
4.2 Gaadiidka
Magaaladu waxay leedahay gaadiid noocyo badan ukala baxa oo ay kamid yihiin basaska waaweyn, tagaasida, baabuurta xamuulka, bajajyada, baabuurta yaryar iyo gaadiidka kale ee ay kamid yihiin mootooyinka, gaadhi faraska iyo gaadhi dameerka kuwaasoo adeeg siiya bulsho waynta magaalada jigjiga. Gaaddidka kale ee magaaladu leedahay waxaa kamida ah gaadiidka circa oo kusoo dega magaalada jig-jiga todobaad walba iyadoo dhawaan laga dhisay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal oo ujira magaalada masaafo dhan 10km kaasoo ah mid casri ah islamarkaana heer caalami ah oo kubaxday lacag dhan 68 milyan oo birr. Goobaha ay uduusho diyaaradu waxaa kamid ah jig-jiga ilaa addisababa, jig-jiga illaa diredawa, jig-jiga ilaa godey iyo jig-jiga ilaa kebridahar, iayadoo hadana ay qorshaynayso duulimaadyada wadamada dariska sida bosaso, hargeisa, jabuuti iyo wadamada kale ee dariska, tanoo kadhigi doonta magaalada jig-jiga fursad ay kusoo jiidato ganacsiga, maalgalinta iyo isdhexgalka dadka iyo bulshada.
4.3 Telefoonka
Magaaladu waxay leedahay teleefoonada sida teleefan gacmeedka loo yaqaan mobileka, telefoonka laynka/ guryaha iyo internet leh khad aad u xawli badan oo lagu isticmaali karo meel walba oo magaalada gudaheeda iyo dibadeedaba ah. Waxaa maalada kuyaala in kabadan boqolaal xarumo shabakada isgaadhssinta ee loo yaqaano internet café.
4.4 Sandduqa Boosta
Magaaladu waxay leedahay adeega sanduuqa bostada taasoo ay kamid yihiin adeega acriga ee deg dega ah ee looyaqaano DHL ka iyadoo meel walba oo aduunka daafihhisa kugu siin karta adeeg deg deg ah.
4.5 Quwada Korontada
Magaaladu waxay leedahay laydh shaqeeya 24 saac kaasoo kayimaada quwada korontada ee wadanku leeyahay iyadoo ay maamusho wakaalada quwada korontada ee itoobiya. Waxaa kale oo ay magaaladu leedahay laydhka wadooyinka oo dhan 29km. waxayna kalayihiin 6k oo wadada wayn ee magaalada, 4km oo ah jidka qumaadaha, 2km oo ah xafiisyada xukuumada iyo 17km oo wadiooyinka gudaha xaafadaha magaalada.
4.6 Biyaha
Lagasoo bilaabo aas aaskii magaalada, waxay dadku kucabi jireen biyaha qaab aan cari ahayn oo ceelal ah. Magaaladu waxay biyha kacabtaa ceelasha kuyaala magaalada taasoo loo sameeyay qasabado ay bulshadu ka cabaan biyaha markii ugu horaysay 1962 dii. Kadib markii baaxada biyaha ee maagalada iyo korodhka dadka ay is awaafaqi waayeen, ayaa waxaa labilaabay mashruuca wayn ee biyo galinta magaalada jig-jiga kaasoo ay iska kaashadeen xafiiska horumarinta khayraadka biyaha ee heer kilil iyo wakaalada biyaha ee maamulka magaalada kaasoo dhawaan larajaynayo inuu soo gaba gaboobo. Tana waa furasadaha waawayn ee ay maagaladu ka faaiidaysan doonto kadib marka lagaba gabeeyo mashruucan.